Animation

agaal Sanado ka dib ka dhacay Degmada Wadajir & maamulka degmada oo ka hadlay

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 8:21 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal muddo sanado ah kadib ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kaasi oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan maamulka Dharkiinleey iyo ciidamo ku sugan xaafad degmada Wadajir ka tirsan.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir, waxaana uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada ku dagaalamay xaafada Nasteexo.

Axmed Cabdulle Afrax, gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in kooxo dhac waday ku tilmaamay ciidamada daacada u ah maamulka degmada Dharkiinleey, halka maamulka degmada Dharkiinleey  uu sheegay in ciidamadooda ay eryanayeen kooxo dhac ka geysatay degmada oo gudaha u galay Wadajir.

Inta la xaqiijiyay labo kamid ah askarta dagaalamay ayaa u geeriyooday weerarka ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle

Facebook Comments