Animation

AFLAGAADO: Dhageyso Madaxweyne Gaas-ka Puntland Oo Aflagaado Ugu jawaabey Madaxweyne Xassan Sheekh (Muxuu Tolow Ku Yiri???)

no responses
Sunday September 4, 2016 - 6:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh oo ka hadlayey barnaamij dood wadaag ah oo ka baxay Telefishinka Universal ayaa sheegay in Puntland ay tahay hadda sagaal gobol oo iskeed ay u sameysatay, balse markii ay aheyd labo gobol Gobol iyo Bar.

Gaas ayaa hadalka Madaxweynaha ku tilmaamay mid nacasnimo ah, isagoo xusay in Madaxweynuhu aanu kala aqoon Gobolada dalka, ayna tahay in la baro.

“Jawaab kooban ayaan ka bixinayaa hadal aan is leeyahay waa nacasnimo oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sheegay warbaahinta kaasoo ahaa in Puntland ay labo gobol iyo bar tahay, waxaa muuqata inuusan dalka kala aqoonin, doorashana waa ku jiraa, xil Madaxweyne ayuu mar labaad raadinayaa” ayuu yiri C/wali Gaas oo maanta ku laabtay Gaalkacyo ka dib markii uu safaro ku soo kala bixiyey dalalka Itoobiya, Turkiga iyo Jabuuti.

Gaas ayaa sheegay in hadalka Xasan Sheekh aysan Puntland ku yaraaneyn, kuna weynaaneyn, balse uu ugu baaqayo inuu kala barto gobolada dalka.

“Shan gobol iyo degmada Buuhoodle ayaa lagu aas aasay Puntland, maantana waa sagaal gobol haduu madaxweynaha uusan aqoon anaga baraneyna” ayuu yiri C/wali Gaas.

Halkaan Hoose ka Dhagesyo Jawaabta Cabdi Wali Gaas