Animation

Abdiweli Garyare “Waa geeri xanuun badan dilka Joon Gaboobe, waana ka tacsiyeynayaa”

no responses
Tuesday September 20, 2016 - 11:43 under Breaking News by admin
mqdefault

Waxaa magaalada Cabudwaaq lagu dilay allaha u naxariistee Joon Gaboobe, oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka ee laf dhabarka u ahaa magaalada Cabudwaaq, kadib  markii muran uu dhexmaray isaga iyo ninka dilay ee lagu magacaabo Jabiin.

Musharax Xildhibaan Abdiweli Ibrahim Garyare oo la hadlay saxaafadda kadib geeridaasi ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibkaasi dhacay, islamarkaana uu ka tacsiyeynayo. Isagoona sheegay aqoonta uu u lahaa marxuumka la dilay ee Joon Gaboobe.

“Allaha u naxariisto walaalka inooga baxay gacanta ka gardaran, waxaa uu ahaa shaqsi aad inoogu qiimo badan, waxaa uu ahaa nin aan si joogta ah u xiriiri jirnay, waxaana lagu tirin jiray inuu ku jiro raga fara ku tiris ah ee dalkan uu u baahnaa marka laga hadlayo arrimaha ciidamada” ayuu yiri Abdiweli Ibrahim Garyare, oo intaasi raaciyey :

” Waxaa geeridiisa u arkaa kugu dhimay oo kaa dhimay, maxaa yeelay waa geeri ka dhex dhacday dad wada dhashay oo sheydaan isku diray” ayuu yiri Abdiweli Garyare.

Dhinaca kale, waxaa uu ugu baaqay shacabka ay geerida ka dhex dhacday inay si eheltinimo ay ku jirto ay ku dhameyaan .

“Waa nasiibdaro in 25 sano kadib oo ay Soomaali dowladnimo iyo maamul wanaag u socoto inay dadka reer Cabudwaaq iskula soo jeesteen dilal joogta ah oo aan wax macno ah ku fadhiyin, kana dhigay magaaladii dhameyd mid furan u ah colaad” ayuu yiri Abdiweli Garyare.

Dilka Joon Gaboobe ayaa dhacay kadib markii kulan la xiriiray ololaha doorashada ee xildhibaanimo oo uu mid ka mid ah musharixiinta halkaasi kusoo foolka leh uu muran ka dhashay, kaasi oo sababay ugu danbeyn geerida dhacday.