Animation

Abdiweli Garyare oo maanso ka tiriyey xukun qabyaalad lagu raadiyo.

no responses
Sunday June 19, 2016 - 11:07 under Breaking News by admin
mqdefault

DALAN-BAABI: Maansada Dalan-baabi waxaan sameeyey , kadib markii baarlamaanka ansixiyey dhawaan xeerkii xisbiyadda, waxaana markiiba bilowday xisbiyo sumad qabiil leh oo lagu kala dhawaaqday. Haddana sidaasi dowladnimo lagu raadinayo. Hadde waa tabtii hoggaamiye kooxeedyaddii oo xisbiyo loo rogay!. BAL ADBA!!.

Waxaa raga xilka raba isugu jiraan: Dalaaliin, khaa’imiin, shisheeye jecel iyo sokeeye neceb, mid horey xil loogu dhiibay ku fashilmay iyo mid cusubba.

Markaasi ayaan maansada la yiraahdo “DALAN-BAABI” ka sameeyey ragaasi iyo dadka ay rabaan inay xilka u qabtaan, gaar ahaan aniga oo la hadlaya kuwa codka leh ee ah 13, 750 qof.

Abdiweli Ibrahim Garyare Curiyaha maansada

                                                                    Abdiweli Ibrahim Garyare
                                                                      Curiyaha maansada

1. Dulmanaha is dulminahayoow
2. Haddana is dafirahayoow
3. Wada jirkana diidayoow
4. Gaajiyo Dib-dhac’iyo
5. Dagaal iyo qaxootinimo
6. Idinkaa noo doorayoo
7. Diiwaankana noogu dhigay

 

8.  Waxaa dalan-baabi jira
9.  Waxaa dow-xumo naqaan

10. Kuwaa dib jirkee na helay
11. Mise diihaal u qaba
12. Sideey noo dabar jaraan
13. Kuwiinaa la duubanoow
14. Dowladnima ka dhowrayoow
15. Dowgaas lagu doogi waaye
16. Dooraad meeshaad marteen
17. Ayaa dib u taagantiin.

 

18. Hoggaankaan daalinkiyo
19. Dalaaliinta u dhiibanaaa
20. Dalowga inaga ridee
21. Dadweynow maantadaan
22. Miyaan dabinkiyo warmaha
23. Dalkeena ka dhowranaa?

 

24. Anigaa doojinoo aqaan
25. Anigaa daahiroo waxtara
26. Anigaa dib usoo unkami
27. Dilaacyada muuqdiyo
28. Kuwaan deymadu arkeyn
29. Haddii ay daldalahayaan
30. Duulow ha ka yeelinina
31. Dibnaha ay ka oranayaan’iyo
32. Maankoodaa kala duwane

 

33. Khiyaanada deriskiyo
34. Shisheeyaha dacarta wada
35. Ninka ay ka dadan yihiinee
36  Dagaalada sokeeyaha
37. Iyo dirirta maantadada
38. Daalacan inoo yiri
39. Maandeeq in loo diro
40. Daawana la naawilo
41. Maankeygu diid taas

 

42. Doorkii inoo kacay
43. Deeqdoodu laga yeel
44. In tahriibka loo dirayiyo
45. In dalkooda lagu dilay
46. Waa su’aal da’weyne
47. Sidee loo daba-qabtaa
48. Dabar go’a dirkeenaa?

 

49.Ummaddii dayac guud’iyo
50.Dareenka uu ka xumaado
51.Dalkoodeey gubayaanoo
52.Iskuma diyaar naxayaane
53.Dadkeygow is xisaabsha’oo
54.Daa’imkiina u laabta

55.Iska duugga colaadiyo
56.Caruurtaan dubataan’iyo
57.Dumarkaad daldashaan’iyo
58.Dirartaan wax tareeniyo
59.Diidnayda aad badiseenee
60.Dunidoo dhan la yaabtay

61.Dowladaanu laheynee
62.Dunimoo iska laadnay
63.Diiftaas nagu taaliyo
64.Dayaxbaanu ka qaadnoo
65.Dawarsaanu dan-moodnay

66.Hadalkeyga dulucdiisiyo
67.Murtideyda dabataal
68.Waxba yaanan darafkiyo
69.Daafaha ka meerine
70.Waxaa iga dardaaran ah
71.Difaacii midnimadiyo
72.Nabadoono dooniyo
73.Duunyadoonu dhaqankiyo
74.Kaluunkoo dabaniyo
75.Dalagoo aan beernaa
76.Dugsi laga helaayoo
77.Ducfi looga baxayaa

78.Qaranimadaa ka didayaa
79.Nidaamkaan u dudayaa
80.Qabiilkana dugsanayaa
81.Duxna aan ka helaa
82.Waxaa waxa daleelshaa
83.Duubabkeena dhaqankiyo
84.Duqeydeena dhigayee
85.Dadkeygoow ogsoonow
86.Dowladnimaa na deeqdee.

87.Dastuurkoo laga beyriyo
89.Dariiq aan sax saneyn’iyo
90.Dildilaaca dalkeeniyo
91.Daqaradaa ina gaarayee
92.Daankeena ka muuqda
93.Dabuubteeda bal sheega?

94. Allow daa’imow adaa
95. Dartaa u soomanee
96.Duufaantaa na heysatiyo
97.Dayowgaa wada qabnee
98.Ku diidnay walaalnimada
99.Dabiibkeed adaa hayee
100.Nabad lagu diirsadiyo
101.Daacadnimo noogu badel.

Curiye :Abdiweli Ibrahim Garyare
13/06/2016

Oosterhoud, Netherlands

AFEEF: Waxa aan ula jeedo ayaan mas’uul ka ahay, ee sida aad u fasirato shaqo kuma lihi. Mida kale dhammaan xisbiyada la bilaabay ma wada xuma, ee qaar ka mid ah ayaa dariiq qaldan lagu bilaabay. Mahadsanidiin