Abaabulkii ugu danbeyay ee Axmed Madoobe xilka loga tuurayo oo Muqdisho ka socda…

0

Xurgufta u dhaxeysa Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ee gabalkiisu sii dhacayo waxay gaartay heerki ugu saraysay waxaana Axmed Madoobe uu wajahaya xaalad walwal iyo walbahaar ah

Dawlada Soomaaliya ayaa labo jeer waxay la kulantay Amar diido  uga timid taliska Axmed Madoobe taas oo arinka uga sii dartay dowlada somalia na ku qasabtay in ay diyaariso qorshe  dag dag ah oo Axmed Madoobe loga taqaluusayo.

Taliyihii Guutada 43aad Ee Loo magacaabay Jubbaland waa tii lagu xanibay Kismaayo Garoonkeeda Bilo ka hor,iyadoo Xalay ugu dambeysay Taliyihii NISA Dawlada Dhexe u magacowday Jubbaland lagu xiray Kismaayo garoonkeeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Axmed Madoobe oo Muqdisho ku sugan kuwaasi uu kala hadlay arimaha Jubbaland waxaana  Madaxweynaha uu sheegay  in Dowladiisa ay sinaba ula shaqayn kariin shaqsi ku xiran nabadiidka  islamarkana  wada xaalufin ba,an oo dhanka deeganka ah.

Sida qorshaha yahay Dowlada dhexe ee Somalia oo awood u leh in ay mudo kooban  Maamulka Axmed Madoobe isbadal ku samayso ayaa wada qorsheyaal isdaba joog ah  oo Axmed Madoobe lagu dhaafinayo shacabka Jubbaland ee u dhibaatada ku hayo.