Aabihii dhalay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Axmad Abiy oo geeriyooday.

0

Abiy Ahmed aabihiisa oo la oran jirey Ahmed Ali ayaa la sheegay inuu shalay ku geeriyooday Isbitaalka Takhasusiga ee Jima Specialized Hospital oo ku yaalla K/Glabeed ee dalkaasi.

Marxuumka oo 105 jir ahaa waxaa lagu daaweynayey Isbitaalkaasi, sida aan ka soo xiganay Warbaahinta FANA ee magaalladda Addis Abeba.

Marxumka waxaa la filayaa in maanta la aaso, sida laga soo xigtay Xafiiska Isgaarsiinta ee Maamulka Dowladda ee Degmadda Agaro ku leeyihiin Jima.