Animation

A.Madoobe oo si kulul ula hadlay Xasan sheekh Runtana usheegay xili shirka Madasha qaran…

no responses
Thursday September 8, 2016 - 1:59 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markii ugu horeysay ku dhiiraday inuu runta indhaha ka saaro Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.

Axmed Madoobe ayaa Xassan Sheekh u sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aad u dhaliilsan yahay qaabka ay dowlada Somalia kula dagaalameyso maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Go’aanada degdega ah oo aysan Madaxtooyada kala tashan Maamulada.

Madoobe waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay heysato ciidamo aad u farabadan oo noocyo kala duwan leh, hadana aysan awood u laheyn inay baacsato maleeshiyaadka Al-shabaab ee marba degmooyin iyo Tuulooyin kala wareegaaya ciidamada Somalia.

Waxa uu sheegay in dowlada looga baahan yahay inay la imaado dadaalo ay ku dhiseyso niyadda ciidamada si ciidamadu ay ula dagaalamaan maleeshiyaadka qaatiga laga taagan yahay.

Waxa uu sheegay inuusan garan karin halka ay cilada ka taagan tahay maadaama ay saysan dowladu heysan ciidamo la’aan, waxa uuna ku baaqay in arrintaasi wax cad laga qabto.

Axmed Madoobe waxa uu soo hadal qaaday go’aanada degdega ah oo ay dowlada Somalia maskaxdeeda ka gaareyso iyadoo aan la tashi lala sameyn maamulada hoos imaanayay dowlada.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in talaabooyinka degdega ah ay Madaxtooyadu la socodsiiso maamulada, haddii aysan dhicin ay suuragal noqon karto in maamul waliba uu qaadaco go’aanka ay gaartay dowlada.

Axmed Madoobe waxa uu Xassan Sheekh u sheegay inuu aad uga xun yahay labadaasi arrin waxa uuna ka dalbaday inuu wax ka bedelo ka hor inta uusan xilka ka degin.

Docda kale, Axmed Madoobe ayaa Xassan Sheekh u sheegay inay ahmiyad gaar leedahay in xili hore la howlgalsho ciidamada sugi lahaa amaanka goobaha doorashooyinka.