70 Qof oo ku dhintay Dab ka kacay Xabsi ku yaallay Venezuela

0

Ugu yaraan 70 Qof ayaa ku dhimatay kaddib markii uu dab qabsaday xabsi ku yaalla Magaalada Valencia ee dalka Venezuela.

Ciidamada Booliska Magaalada Valencia ayaa sheegay in mid ka mid ah Maxaabiista ku jirtay Xabsiga uu dab qabadsiiyay Joodari ay ku jiifanayeen isaga oo damacsanaa in uu ku dumiyo darbiga xabsiga si ay halkaas uga baxsadaan.

Dacwad oogaha guud ee dalka Venezuela, Tarek Saab, ayaa sheegay in baaritaan deg deg ah loogu dhaqaaqayo arrintan si loola xisaabtamo dadka mas’uulka ka ahaa saldhigga xilliga ay musiibadu dhaceysay.

Booliska ayaa Sunta dadka ilmada ka keenta u adeegsaday ehelka dadka dabkaasi uu saameeyay waxaana ay dadka isku dayayeen in ay ogaadaan xubnaha qoysaskooda halkaas uga xiran.

Booliska Gobolka Carabobo ee uu dabka ka kacay ayaa iyana sheegay in ay la xisaabtamayaan Askarta ilaalada ka heysay Saldhigga iyada oo tuhunka ugu weyn yahay sida Maxbuuska uu ku helay sheyga uu u adeegsaday gubidda Joodariga.

Dadka qaar ayaa dhintay iyaga oo neef qabatimay kaddib markii ay Qiiqa ka baxsan waayeen kuna cabburmeen halka kuwo kalena uu dabka gubay sidaasna ku dhinteen.