Jaamacadda Ugu tayada liidata Uganda oo la geeyay Garoowe iyo Muqdisho- Cavendish University

0

Waxaa magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho  laga furay jaamacadda Cavendish University oo ah jaamacadda ugu tayada hoosaysa dalka Uganda, Taasi oo ah jaamacad aan aqoonsi ka haysan guddiga tacliinta Sarre ee Uganda, waxaana dalka Uganda laga furay Jaamacaddaas sannadkii 2008, iyada oo uu madax ka yahay Benjamin William Mkapa.
Cavendish University waa jaamacad khaas loo leeyahay waxaana markii ugu horraysay laga furay carriga ingiriiska sanadkii 1985 oo asal ahaan laga leeyahay, hase yeeshee maamulka iyo mulkiilayaasha jaamacaddaas ayaa waxay go’aansadeen in magacooda ay hor mariyaan iyagoo u ogalaaday dadyow kale in ay magacooda ku furtaan jaamacaddo iska bixiya lacag magaca looga kiraynayo, waxaana laga furay meelo kala duwan ka mid Asia iyo Africa, marka la yimaado qaaradda Africa waxaa hormuud u noqotay dalka Uganda oo ah dal ay ardo badan oo waddamo kala duwan u soo raadsadaan wax barasho.
Kadib aasaaskii Cavendish University ee dalka Uganda waxaa ay ogaadeen in ardada ugu badan ee soo gashaa Jaamacaddaas ay jahiin Somali iyo South Sudan, waxayna jaamacaddu ku tillaabsatay sidii ay waddamadaas u gayn lahayd xarumo wax barasho, iyadoo sidoo kalena ku fakartay in ay waddamo badan geeyaan jaamacaddaas waxayna ka fureen xarumo dalaka South Sudan, Zambia iyo Somalia, melaha ay Somaliya ka tagtay Jaamacadda Cavendish ayaa waxaa kamid ah magaalooyinka Mogadisho iyo Garoowe.
Maxay tahay tayo xumada lagu eedaynayo Cavendish University?
Cavendish university waa jaamacad private ah, waxaana jaamacaddaha khaaska loo leeyahay caan ku yahiin tayo wax barineed oo sarraysa, haddaba Cavendish University taas lagama hayo, waxayna ku sii darsatay musuqmaasuq baahsan oo ardadu waxay gataan imtixaankii ayagoo aan soo xaadirin bay inta macalimiinta lacag siiyaan helayaan darajada ugu sarraysa, waxaase intaa sii dheer in qofku haddii uu lacag la yimaado laga iibinayo shahaadadii uu muddo inta wax barto shahaado caddaynaysa heli lahaa,
Dalka Uganda ardada Soomaaliyeed ee Jaamacaddaas dhigta ayaa ah kuwo u door biday sahlanaanshaha wax barideeda iyo iyada oo aan la dhicin, halka xilliyada qaarkood ay lacagtooda inta baxshaan maadooyinka oo dhan la siinayo darajo sarraysa, iyo sidoo kale in aad xilligaa rabto imaan karto xiligaa rabtana maqnaan karto aysana jirin xisaabtan ardada ee dhanka soo xaadirida fasalka.
Tayo la’aanta jaamacadda Cavendish markii ay qiimeeyeen guddiga tacliinta sarre ee Uganda waxay u diideen aqoonsigii, hase yeeshee waxay u ogolaadeen in ay sii jirto ayna isku daydo in ay soo buuxiso sharuudo jaaamcadda laga rabo markii la furo in ay la timaado si aqoonsi loo siiyo.

Talo iyo digniin ku socota Ardada Reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed ba.
Ardada waxaa looga digayaa in ay lacag iyo wakhti iskaga khasaariyaan Jaamacaddaas tayadeedu liidato, waayo waa go’aan mustaqbalkooda saamaynaya, hana ogaadeen in ay jiraan jaamacado badan oo tayo leh dalka sida kuwa India ee Mashruuca Pan Africa E- network Project, sidoo kale ay dunida daafaheeda ka jiraan jaamacaddo adoo gurigaaga jooga aad dhigan karto, sidoo kale halka kuwa Uganda yimaada looga digayo in ay jaamacaddaas galaan, iyagoo ka fakaraya lacagta badan ee ka soo baxaysa safarka iyo muhiimada weyn ee ah in uu dalka Uganda u imaanayo wax barasho ayna tahay in uu kala laabto wax barasho tayo leh, mid kaliya oo ay ku door bidaan ardada Uganda ayaa ah wakhtiga la barto oo kooban taasina ma noqon karto, wax ardaygu ku salayn karo mustaqbalkiisa oo dhan waayo waa go;aan saamayn ku yeelanaya ardayga noloshiisa oo dhan. Waxaana lagula talin ardad Uganda timaada in ay galaan jaamacaddaha tayada leh ee isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay (private universities)
Talo ku socota Waalidiinta
Waalidiintu waxay jecel yahiin markasta ilmahoodu in ay helaan mustaqbal wanaagsan, arkaane ilmahooda oo ka miro dhaliya juhdigii dheeraa ee ay ku bixinayeen si ay u noqdaan kuwo wax bartay naftooda, qosykooda iyo bulshadoodane anfaca, haddaba waalidiintu haka digtoonaadeen in ay ilmahoodu galaan jaamacadda Cavendish University hadday ahaan lahayd dalka gudihiisa ama ay wax barasho ugu soo dirsadaan Uganda, waalidkuna ha ogaado waxaa masuuliyad ka saarantahay tayay in ay ogaadaan meesha carruurtoodu wax ka baranayso, hana ogaadeen in Cavendish University ay jiraan jaamacado badan oo ka tayo wanaagsan kana jaban kharash ahaan halka gudihiisa iyo Ugandaba.
Talo ku socota Dowladda Puntland/ waasaarad waxbarashada Puntland iyo dowladda Soomaaliya
Dowladda Puntland iyo dowladda Soomaaliyaba Masuuliyad baa ka saaran in ay hubiyaan tayada waxbarasho ee xarumaha laga furayo dalka, iyo cid kasta oo wax baraysa ardada reer dalka, masuuliyad gaarana waxay ka sii saaran tahay wasaaradda waxbarashada Puntland, iyo tan dowladda federaalka waayo waa cidda kaliya ee leh ogalaanshaha go’aanka furitaanka xarun waxbarasho ama xiritaankeedaba, haddii awal loo ogolaaday Cavendish University in laga furo Puntland iyo moqdisho wasaaraddahu ha soo hubiyaan tayadeeda hana ka gaareen go’aan u qalma jaamacaddaas khasaarinaysa wakhtiga iyo lacagta Bulshada reer Puntland iyo tan soomaaliyeedba.
Baaq ku socda Somalida keentay dalka Jaamacadda Cavendish University
Dalkeenu waa burburay, dowlad xooggan oo kala ogaan karta xuramaha wax barasho ee dibada ka imaanaya ma jirta, waxaa masuulyad ka saaran tahay qof walba in uu dalkiisa waxa uu keenayo ay yahiin wax wanaagsan bulshadana aan khiyaano iyo dibin daabyo ku ahayn, haddaba waxaan idiin ku baaqaynaa ina aad jaamacaddaas dalka ka xirtaan, Jaamacado badan oo tayo leh, lana keeni karo baa Uganda ku yaala iyo waddamada kaleba, haddii aad door bideen in aad jaamacad keentaan dalka fadlan keena jaamacaddaha tayada leh, bulshadeeno ka faa’iidi karto, idinkuna aad ka faa’iidaysaan adduun iyo aakhiraba, Allaha idin tuso wanaagee.

W/Q: Muwaadin dareemaya masuuliyad in ay ka saaran tahay dalkiisa