Animation

Top news: ka qeyb-galka shirka nabadda Jubaland oo la Isku raacay Iyo magacyada siyaasiyiinta ka qeyb-galaya “akhriso”.

no responses
Friday November 27, 2015 - 9:40 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Sida ay sheegayaan wararka hadda soo gaaraya warqabadka kismaayo24 ee Muqdisho, xubno siyaasiyiin aad looga yaqaano jubooyinka Iyo Guud ahaan Soomaaliya Ayaa ku wajahan Magaalada Kismaayo.

Siyaasiyiintan oo mucaaradsanaa Maamulka Jubba sanadihii lasoo dhaafay Ayaa wadahadal dheer kadib waxay Kismaayo u socdaan maalinimada axada ah ee soosocota iyagoo Maalinta isniinta ahne si rasmi ah uga qeybgali doona shirka nabadda Jubaland oo maalintaas ka furmaya Magaalada Kismaayo.

Siyaasiyiintan waxaa kamid ah hogaamiye barre Hiiraale, Siyaasiga cabdiwaaxid goonjeex, xildhibaan Magan, janaraal Cali Madoobe,siyaasiga cabdi shire Iyo Masuuliyiin kale, waxayna go’aan qaadashadooda ka danbeysay kulan si dhab ah loo dooday oo maanta Muqdisho ka dhacay.

Dhinaca kale waxaa siyaasiyiintan xubno ay Isku aragti ka yihiin xalka jubooyinka ay kusuganyihiin Magaalada Kismaayo waxaana kamid ah Sheekh Maxamed awkibaax Iyo Maxamuud sayid aadan.

Dhinaca Magaalada Garbaharay Ayaa waxaa Shirkani kasoo aadi doona Wafdi culus oo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed cabdi Kaliil Iyo odayaal dhaqameedyo kasoo Jeeda Jubaland oo lagu wado iney qeyb ka noqdaan Hanaanka xal Waara loogu raadinaayo Shacabka ree Jubaland oo ay daashadeen colaado aan dhamaad laheyn.

Wixii Kusoo Kordha wararka ku xeeran shirka nabada Jubaland Iyo wufuuda halkaasi ku qulquleysa kala soco wararkeena dambe insha Allah.

Facebook Comments