Animation

Daawo Muuqaal: Wasaarad ka tirsan Wasaardaha Jubaland oo Xaruntii Keydka Biyaha Kismaayo ku wareejisay Shirkad Ganacsi.

no responses
Friday November 27, 2015 - 10:39 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ka dhacday Munaasabad loogu wareejinayay Warshadda Biyaha Caafi Xaruntii hore ee Wakaaladda Biyaha ee Kismaayo, taasi oo ay ku wareejisay Wasaaradda macdanta, biyaha, bay’ada iyo tamarta Jubbaland.

Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Macdanta,Biyaha, Tamarta iyo bay’adda ee Jubaland, maamulka Gobolka Jubada Hoose iyo kan degmada Kismaayo ayaana Goobjoog ka ahaa Munaasabada Warshada Biyaha ee Caafi loogu wareejinayay Xarunta Wakaaladda Biyaha ee Degmada Kismaayo.

 

Wasiirka macdanta, biyaha, bay’ada iyo tamarta Jubbaland oo sharraxaad ka bixiyey muhiimadda ay leedahay in shirkadda Caafi lagu wareejiyey xarumahii wakaaladda biyaha ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shirkaddu dayactir ku samayn doonto xarumahaan kaddibna ku shaqayn doonto.

Hoos ka Daawo 

Facebook Comments