Animation

Xasan Gaboobe: Qeyb kama aha Maamulka Gobolada Dhexe Dagaalka Gaalkacyo ka jira.

no responses
Friday November 27, 2015 - 10:50 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in madaxweyne kuxigeenka maamulka Gobolada dhexe uu iska fogeeyay iney Puntland ku gacansiiyeen dagaalka Gaalkacyo ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Xasan Gaboobe ayaa sheegay in maamulka Gobolada dhexe aysan diyaar u ahayn in hada ay ku lug yeeshaan Xiisada Gaalkacyo,balse dadaal ay ku bixinayaan sidii loo xalin lahaa.

Mr Gaboobe ayaa tilmaamay in aysan jirin wax dan ah oo ugu jirta in ay ka qeyb qaataan xiisadda ka jirta Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Gobollada Dhexe ayaa ka dalbaday labada dhinac in ay nabadda ka shaqeeyaan islamarkaana ay ka gudbaan is qab qabsiga u dhexeeyo.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Gobollada dhexe ayaa imaanaya iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in maamulkooda Puntland ay ka taageerayaan la dagaalanka Galmudug.

Facebook Comments