Animation

Deg-deg: Raisal Wasaare Sharmaake oo Gaaray Magaalada Cadaado, kulamana halkaasi kulaleh Madaxda Galmudug.

no responses
Friday November 27, 2015 - 10:17 under Somali News by admin
mqdefault

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaarah Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug,waxaana wararka ay sheegayaan in ra’iisal wasaaraha hada kulan kula leeyahay Cadaado madaxda maamulkaasi.

Ra’iisal wasaaraha ayaa booqashada Cadaado ka dib u sii amba-bixi doona magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland,waxaana ujeedka socdaalkiisa lagu sheegay sidii xal looga gaari lahaa dagaallo dhawaan ciidanka maamullada Puntland yo Galmudug ku dhexmaray degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xubnaha wafdiga RW Somalia ayaa waxay isugu jiraan wasiirro iyo xildhibaano; waxaana inta ay socdaalka ku maqan yihiin lagu wadaa inay kulammo la qaataan wax-garadka iyo mas’uuliyiinta deegaannada Galmudug iyo Puntland.
Kulanka hada Wafdiga Ra’iisal wasaraaha Somaaliya iyo madaxda maamulka Galmudug uga socda Cadaado ayaa si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha looga hadlayo,maadama saxaafada ay dibad joog ka yihiin shirkana wali uu socdo,laakiin warar hoose oo ay heleyso kismaayo24 ayaa sheegaya in muhiimada shirka uu yahay arinta ka taagan magaalada Gaalkacyo sidii Xiisada loo dajin lahaa.

Lama oga in Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ay gaari doonaan magaalada Gaalacyo oo ah halka Xiisada Labada maamul ay ka taagan tahay,waxaana hada xalinta khilaafka ku howlan Waxgaradka Labada dhinac ka soo kala jeeda.

Shalay ayey aheyd markii raisalwasaare Sharmaake uu ka baaqday Socdaal uu kutagi lahaa Gaalkacyo kadib markii ay soo baxday cabsi dagaal oo markale la filan karay ineey ka dhacdo gaalkacyo, arintaas oo raisalwasaaraha uu ka goos adeegay.

Kismaayo News Agency
Cadaado, Soomaaliya.