Animation

Xog: Sirdoonka Ruushka oo Helay codad sir ah oo dhexmarey Madaxweynayaasha Turkiga Iyo Soomaaliya.

no responses
Friday November 27, 2015 - 6:19 under Somali News by admin
mqdefault

Qoraal kusoo baxay mid kamid ah Jaraa’idka garabyada Mucaaradka ee kasoo horjeeda Madaxweynaha Russia Vladimir Putin, ayaa qoray in Sirdoonka dalkaasi ay dhageysteen wada hadal dhexmaray Madaxweynayaasha Somalia iyo Turkiga.

Jaraa’idka ayaa qoray in Sirdoonka Russia gaar ahaan kuwa dhageysta Teleefoonada ay ku dhawaad bil ahaayen kuwo dabagal ku hayay Teleefanada Xassan Sheekh iyo Erdogan.

Nuqul kamid ah Qoraalka Jaraa’idka ayaa waxaa kamid ahaa ”Xiriirka sii xumaanaya ee Russia iyo Turkiga waxa uu saameyn ku yeeshay Somalia. Sirdoonka waxa uu qaaday tallaabo aan kala go laheyn waxa uuna si qarsoodi ah ku helay macluumaadka amaba sirta ay wadaagayen Madaxweynayaasha Somalia iyo Turkiga”
Dowlada Russia ayaa dooneysa inay waxbadan ka ogaato xiriirka qarsoon iyo kan muuqda ee Madaxweynaha Turkiga Erdogan kala dhexeeya Somalia, waxa ayna Russia ku taameysaa inay mugdi galiso xiriirka labada dal.

Dowlada Russia ayaa kaalinta 4-aad kaga jirta Dowladaha awooda u leh dhageysiga Mobilada, waxa uuna sirdoonkooda inta badan xooga saara helida macluumaad muujinkara xiriirada ka dhexeeya Madaxda caalmka iyo Dowladaha isaga kula loolamaaya Siyaasada.
Jaraa’idka ma uusan wada qorin xogaha uu Sirdoonka Russia ka dhex helay dhageysiga Telefoonada ay kuwada hadlayeen labada madaxweyne ee Somalia iyo Turkiga.

Dhanka kale, Dowladaha reer galbeed ayaa si ba’an u dhageysta Teleefoonada Madxaweyne Xassan si ay macluumaad uga helaan dadka uu xiriirka la wadaago, waxa ayna si gaar ah u raadiyaan wada hadal uu Xassan Sheekh la yeesho hadii ay jiraan xubno xagjiriin ah.