6 Sanno Jir Waalidkiisu ay weysanaayeen oo Meydkiisa la helay gaari ay wateen koox dhalinyaro ah

0

Sufyaan Cusmaan Barre oo da’diisa lagu sheegay 5-6 jir oo tan iyo shalay ay Qoyskiisu Baadi goobayeen ayaa Saakay Meydkiisa laga helay Xaafadda Juungal ee Dagmada Yaaqshiid.

Meydka Canug yar ayaa laga dhex helay gaari ay wateen Koox Dhalinyaro ah waxaana xabsiga loo taxaabay dhalinyaradii meydka laga helay gaarigooda.

Baaritaan ayaa hadda socdo oo lagu ogaanaayo sababta canuga yar loo dilay iyo dilkiisa cidda ka dambeysa.