Animation

27 sano kadib xili habeen ah Diyaarad siday shacab tii uhoresay oo xalay kasoo degtay Aadan cade Air port

no responses
Sunday September 24, 2017 - 10:55 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Mudo laga joogo 27 Sano wixii ka dambeeyay burburkii dalka Soomaaliya waxaa markii ugu horeysay   xili habeen ah Garoonka Diyaaradaha AadanCade ka soo degtay Diyaarad Siday dad rakaab ah.

Masuuliyinta dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay horay u sheegen in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan-Cade.

Xiligaas wixii ka dambeeyay waxaa ka soo degi jiray diyaarado milateri iyo kuwo ay leedahay Shirkadda Bancroft.

Diyaarada Caawa ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Adan cade ayaa waxaa iskaleh shirkada diyaaradaha Juba Airways, taas oo keentay in ku dhow 100 ruux oo u badan Xujeyda Sanadkaan.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula soo wareegi laheyd Maamulida Hawada soomaaliya iyada oo Garoonka lagu xiray qalabkii lagula socon lahaa