Somali News

22 qof oo ku geeriyooday degmada Jalalaqsi iyo dad kale oo.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dlaka Soomaaliya ayaa sheegaya in cudurka shuban biyoodka uu fara ba’an ku hayo dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi iyo deegaanada ku xeeran ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi, Maxamed Nuur Cagajoof o la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in maalmihii ugu dambeeyey dad gaaraya illaa 22 qof ay shuban biyood ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Jalalaqsi iyo deegaanada hoos yimaada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan cudurka ay la’il daran yihiin in ka badan 70 qof oo u badan caruur, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaad ee gobolka.

“Shuban biyood ayaa dhibaato nagu hayo geerida waxay saacadaan mareysaa 22 qof, sidoo kale waxaa isbitaalka ku jira todobaatameeyo kale”. ayuu yiri guddoomiyuhu.

Cagajoof oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xaaladda degmada ay adag tahay, islamarkaana ay ka jirto macluul iyo nafaqo darro laga dhaxlay fatahaadihii u dambeeyey.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dadka deegaanadaasi ay u baahan yihiin gurmad caafimaad, islamarkaana dadka uu cudurka soo ritay isbitaalada la dhigay aysan ku filneyn daaweyntooda.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha samafalka, madaxda dowlad goboleedka HirShabelle iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkaasi oo u baahan daryeel caafimaad.

Related posts

Maxaa dhex maray Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre..?

admin

Daawo Sawirro+Dhageyso: Magaalada Hargeysa oo Maanta lagu qabtay Munaasabadda Maalinta Gooni isu taaga Soomaliland ee 18May

Tifaftiraha K24

Madaxweynaha Gal-mudug oo Fariin u Diray Puntland

admin