War Deg Deg ah Muungaab oo Shaqada ka Eryay Taliyayaal iyo Saraakiil sar Sare

Gudoomiyaha Gobolka Ahna Duqa Magaalada Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa Waxaa uu shaqadda ka Joojiyay Qaar ka mid ah Taliyayaasha Ciidanka Dowladda hoose Ee  Xamar iyo Xubno la sheegay in ay Maamulkaasi Muhiim u ahaayeen

Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa Waxaa uu Amray in ay Shaqadda ka tagaan Ilaa 13 Sargaal oo Maamulkiisa ka Hor ka shaqeeynyay Xafiisyadda maamulka Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shaqada ka eryay qaar kamid ah agaasimayaasha waaxyaha Gobolka , Kalkaaliyaal iyo xariiriyaal katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir .

Digreeto sidoo kale kasoo baxday Gudoomiyaha Gobolka ayaa iyana shaqada looga joojiyay Keydna lagu galiyay 38-qof oo kamid ahaa Shaqaalaa Gobolka, waxaana Shaqaalahan la sheegay in wax xaquuq ah aysan ku laheyn Maamulka Gobolka ilaa shaqo looga dirayo loogana saarayo Keydka.

Lamma Ogga Sababta keentay  in Muungaab oo Shaqadda ka Eryo Saraakiishaani

Comentários no Facebook