Somali News

Maanta oo taariikhdu tahay 01 Rajab 1441, Kuna began 25/02/2020, Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta waxa ay qabatay Shirka Wadatashiga iyo Horimarinta Cumrada. Shirkan waxa ka soo qaybgalay madaxda wasaarada oo uu hogaaminaayo wasiir ku xigeenka wasaarda Dr Cusman Aadan Dhuubow , iyo Agaasimaha Guud Mr Cumar Faaruuq Sh. Cabdicasiis, Latalayiyaasha wasaaradda , waaxda xajka & cumrada ee wasaarada iyo sharikadaha cumrada. Ugu Horeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa soo dhaweeyay kasoo qeyb galayaasha shirkaddaha, kana shekeeyay Ujeedooyinka Shirka Wadatashiga iyo hore marinta Cumrada, Waxaa shirkan lagu soo bandhigay Caqabadaha ugu muhiimsan ee horyaalla adeega cumrada oo uu ka hadlay lataliyaha xajka iyo cumrada ee wasaarada, intaa kadib na waxaa loo furay hadalka kasoo qeyb galayaasha Iyo shirkadaha Cumrada. Caqabadaha Cumrada ugu muhiimsan ee lasoo bandhigay waxaa kamid ah: 1- xawilaadda lacagaha Cumrada ee loo xawilo Sacuudiga oo si toos ah Somalia looga xawili karin Laguna qasbanyahay in lasiimaro Dowladaha Dariska ah. 2- Adeegyada Cumrada oo noqday mid Elektronic ah taas oo khibarad badan loo lahayn gaar ahaan sharikadaha ku cusub adeegan. 3- Shirkadaha Cumrada ka shaqeeyo oo badankood cusub yihiin. 4- Visaha cumrada oo mararka qaar kusoo daaho Dhanka safaaradda sacuudiga. 5- Diyaaradaha qaado dadka cumrada aado oo qaali ah, si toos ah na aanan uga kicin Somalia Rirect Flyght. 6- Dib u dhaca Iyo dhuumashada ay sameeyaan dadka soo cumreysanaya oo qaarkood ku dhuunto Sacuudiga si tahriib ah. Gaba gabadii waxaa Shirka soo xiray Waaiir ku xigeenka wasaaradda mudane Dr Cusmaan Aadan dhubow, oo ka shekeyay ahmiyadda Cumrada, balanna qaaday in wixii caqabado ah ee jiro Wasaaradda ay xallin doonto wasaaradu, una mahadceliyey dhamaan ka soo qayb galayaasha , sharikadaha cumrada & waaxda xajka iyo cumrada ee wasaarada. Gabagabadii Shirka waxaa kasoo baxay Qodobadan hoos ku xusan: 1- In Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ay ku dadaali doonto sidii loo fududeyn lahaa caqabad kasta oo soo Wajahdo Arrimaha cumrada, gaar ahaan arrinta fiisaha iyo systemka casriga ah ee lagu maamulo. 2- in sharikdaha cumrada ku cusub lagu dhiiri geliyo kasbashada khibrada cumrada. 3- Wasaaradda waxa ay ka dalbatay dhanka Sacuudiga sidi Bangiyada Soomaalida ay si toos ah ugu xawili lahaayen lacagaha Cumrada iyo xajkaba. 4- in maadaama cumradu tahay cibaado waxay soo jeedinayaa wasaaradu in sharikadaha duulimaadyadu qiimaha tigidhada u jabiyaan dadka soo cumraysanaaya, wasaraduna ku dhiirigalinayso bulshada Gudashada cumrada. 5- Wasaaradda waxa ay ku dadaali doontaa sidii ay wacyigalin ugu sameyn lahayd dadka soo cumreysanayo sida loo sameeyaba dadka soo xajiyo 6- Shirkadaha Cumrada ka shaqeeyo waa in ay ku dadaalaan dadka ay sacuudiga u qaadayaan in lahelo dad damiin ka noqda si qofka hadduu baxsado Loosoo celin lahaa. Dhamaad,

Related posts

Dhageeyso:-Madaxweyne Xasan oo Madaxtooyadda Kismaayo Kulla shirsan….

admin

Top NewS: Masuuliyiinta SOmaliland ka soo jeeda ee DF Ku Jira Oo Qaadacey Go’aamadii Ka Soo Baxay Madasha, Iyagoona…………………..

Tifaftiraha K24

Shan kamid ah Dagaallamayaasha Alshabaab oo Gacanta lagu dhigay Xili weerar ay kusoo qaadeen….

admin