Arimaha Bulshada Breaking News Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24 XULASHADA TODOBAADKA

Wasiirka wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta JFS Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan & wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada barakaysan ee Makka Al Mukarramah ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga.

Wasiirka wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta ayaa xusay caqabadaha sanadkii hore ay wajaheen xujayda Soomaaliyeed sida ciriiriga goobaha teendhooyinka mashaacirta, ciladaha gaadiidka gaar ahaan mashaacirta & suuliyada oo aad ugu yaraa xujayda soomaaliyeed.
Wasiirka wasaaradda xajka & cumrada Sucuudiga Dr.Mohamed Salah binu Dahir Bintan ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladda Sucuudiga ay xalinayso dhammaan caqabadaha uu xusay wasiirka Awqaafta & Arr Diinta isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay xoojinta iskaashiga wanaagsan ee labada wasaaradood.
Gabagabadii, labada wasiir ayaa saxiixay heshiiska xajka sanadkan iyada oo ay wasaaraddu dalabatay kordhinta kootada xujeyda Soomaaliyeed.

Related posts

Akhriso qaabka loosoo dooranaayo xildhibanada cusub oo lasoosaaray

admin

Xildhibaan Nuur Faarax :- Xal ayan ka gaarnay dhacdadii Cabudwaaq..

admin

Dood iyo isqabqabsi ka taagan xil uu Madaxweyne Guuleed magacaabey oo Galinsoor ka taagan.

admin