Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo kala wata Labo musharax oo reer Galmudug ah

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa ku kala aragti duwanaaday cidda ay dowladda u sharaxaneyso Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Galmudug.

Ra’siulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isaga wato xildhibaan Qoor Qoor oo deegaan ahaan kasoo jeedo Cadaado, wuxuuna qabaa in Beesha Saleebaan la siiyo Xilka maadaama laga soo wareejiyey Caasimadda.

Balse Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Mareykanka ka wacay musharax uu doonayo inay dowladda u sharaxato Doorashada Galmudug.

Musharaxa uu Farmaajo kasoo dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdi Dheere, waxayna muddo saaxiibo ahaayeen Madaxweyne Farmaajo.

Cabdi Dheere ayaa kasoo jeedo Beesha Sacad, gaar ahaan lafta Reer Jalaf, waxaana la filayaa inuu dhawaan ku dhawaaqo musharaxnimadiisa.

Waxaa durba bilowday loolan adag oo u dhaxeeyo Ra’isulwasaaraha iyo Madaxweynaha oo ku aadan cidda noqoneyso musharaxa Dowladda ee Galmudug.

Doorashada ka dhaceyso Galmudug ayaa noqon doonto mid aad u adag oo aan la saadaalin karin maadaama ay ku tartamayaan mucaaradka iyo Dowladda, sidoo kalana waxaa jiro loolan gudaha Dowladda ah.