Kooxda Al- Shabaab oo Weerar kuqaadey Saldhig Ciidamada Itoobbiya Kuleeyihiin.

0

Wararka laga helayo  Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Al-shabaab iyo kuwa AMISOM gaar ahaanna Itoobiya ay ku dagaallameen Magaaladaas.

Dagaalka oo muddo socday ayaa Ciidamada AL-shabaab la xaqiijiyay in weerarka ay ku qa adeen saldhigga Ciidamada Itoobiya ee Baardheere.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalka ka dhacay Baardheere.

“Wax ka badan saacad ayuu dagaalkaas qaatay,waxaana Ciidamada AL-shabaab ay damacsanaayeen in ay la wareegaan Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee Baardheere” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha.

Ilaa hadda si rasmi ah uma kala cadda khasaaraha nafeed ee kala gaaray dhinacyada ku dagaallamay Baardheere.