Sawir Muujinayo Dhaqan Xumada iyo sharaf dilka Axmed Madoobe + Qormo Cajiib ah

0

Sawiro muujinayo qabka iyo maan gaabnimada hogaamihaya sheegto Mamulka Jubalnd  ayaa lagu arkay Baraha Bulshada Sawirka sameynta yeeshey ee sida wayn loo hadal hayo oo ahaa 5shanta Sawir ee Madaxda Mamul Goboleedyada ayaa waxaa si caadi ah tilmaan looga bixiyey Sawiro Anshax daro ah oo sida ka muuqato Hogaamiyaha Mamulka Jubalnd si ula kas ah u sameeyo waxana muuqato in Axmed madoobe uu sida Madaxweynaha Dolwda Somaliya sameystay askari dabo istaago taas oo lagu dhaawacayo jiritaanka Madaxa ugu Sareyo Dowlada Somaliya waana mid bah dil iyo sharaf dhac wayn ku ah Dowlada Somaliya ayna  soo hindistay Dowlada Kenya,Sawiraanta waxaa qaybka madaxda Mamulada kale xumaan iyo ceebtoona kama muuqato Sawiradaasi marka laga tago Madaxa Mamulka jubalnd.

 

Axmed Madobe oo horey uga tirsanaa Ururka Alshabab gar ahaana Xisbul islam oo markii danbe ku heshiin waayey Dhaqaalaha Takada Kismaayo ayaa sida la og yahay markii ay Alshabab ka saartay kismayo Dowlada Kenya dib u abaabushay sifo ay ugu wiiqdo awooda ururka alshabab islamarkaana ay ku difaacato danaheeda gaarka ah sida ilaaliska Xaduuda labada dal iyo dhac qaawan ee Badda Somaliya oo ah meel ay hada isku haystaan Kenya iyo Somaliya, Axmed Madoobana waa shaqsi aaminsan Mabda’iisii ahaa Xisbul Islamka taas oo laga dareemi karo Sawirada faaxishooyinka ah ee uu bixinayo Axmed Madoobe hadaba Axmed Madoobe waa nin noocee ah?

 

 

Axmed Madoobe waa wadaad diimeed aaminsan Jihaad been ah waxana uu ka mid yahay shaqsiyaadkii ugu horeeyey ee Somaliya ka bilaabay Magaca Urur diimeedka kuwaas oo qal qal wayn galiyey Dalka Somaliya Islamarkaana Qalay dad badan oo Somaliyed qaar kalana gacmaha jaray sidoo kale dhalinyarada baday Tahriibka iyo in ay ka haajiraan Dalka Somaliya waana ruux si wayn uga dhex muuqday Urur diimeedkii Alshabab gaar ahaana Xisbul islam, Madaxii ugu sareeyey xisbul islam ee Xiligii 2009kii oo ahaa Sheikh Xasan Turki dhanka kalana ahaa seediga Axmed Madoobe  ayaa Axmed Madoobe u soo Magacaabay Madaxa Gobolka Jubada Hoose, taas oo keentay in Axmed Madoobe uu Kismaayo keensado Ciidan Gaarayo Boqolaal Askari kuwaas oo dhamaan la hayb ahaa Axmed Madoobe, xiligaasi oo ahayd dabayaaqadii 2009kii u jeedka Axmed Madoobe keentay Kismaayo waxay ahayd in Ururka xisbul islam iyo alshabab si siman u wada qayb sadaan dhaqaalaha Takada wayn ee Kismaayo, ururka alshabab oo markaasi si buuxda gacanta ugu hayay Magaalada Kismaayo Hogaamiyaashoodii Kismaayo ayaa wada hadalo u furay Axmed Madoobe iyadoo heshiis ah kala saxiixday in alshababna 6bilood Mamulaan Takada 6biloodna Xibul islam sidaasi darteedna Mgalada aysan qal qal galinin, Axmed Madoobe waxaa uu ka hor mid Saxiixaasi waxana uu sheegey hadii lixda bilood ee socoto lagu soo wareejin waayo Mamulka Takada Kismaayo ay uu Dagaal ka xigo.halkaas ayay ka bilaabatay Xurgufta Alshabab iyo Axmed Madoobe waxana Dagaal Xoogan oo socday Mudo 6Lix saacadood ah Magalada Kismaayo looga saaray Axmed Madoobe,sidaasi ayuuna isga huleelay Magalada Kismaayo, isagoo gabaad ka dhigtay Xadka Kenya iyo Somadoobe waxaana axmed Madoobe u sahashay in uu dabada la galo Kenya Qaar ka mid ah rag ay isku beelo yihiin oo ka tirsan Masuuliyiinta Dowlada Kenya kuwaas oo Kenya ka dhaadhiciyey in Axmed Madoobe isaga baxay alshabab.

 

 

Axmed Madoobe ma jirto meel uu si cad uga baxay ka mid ahaanshaha urur diimeedka alshabab iyo Xisbul islam mana jirto cid wax iska waydiisay Fakirka Axmed Madoobe ee ku aadan Danbiyadii uu ka galay umada Somaliyed ee ay Xasuuqeen urur diimeedyada Dalka Somaliya ee uu soo aas aasay, sidoo kale Axmed Madoobe si gaar ah cafis uma waydiisan Umada Somaliyed,waana arin cad in uu wali yahay Axmed Madoobe Alshabab doonayo Nooleynta iyo Dib u dhisida Urur diimeedka si Dalka Somaliya ay ula Wareegaan Urur Diimeed uu Madax u yahay Axmed Madoobe, Dowlada Kenya maxaa dan ah oo ugu jro Axmed Madoobe?

 

 

Dowlada Kenya dano badan oo ku jiro Masaaliixda Dalkeeda ayey ku wadataa Axmed Madoobe  ugu Horeyn Dowlada Somaliya waxay sheegtaa kuna doodaa islamarkaana shacabka somaliyed ay aaminsan yihiin in Kenya ay haysato qeybo ka mid ah Dhulka Somaliya ka dib Xariiq beenaad uu ku suntay  Kenya Gumeystihii  Ingiriiska ee haysan jiray Koonfurta Dalka Somaliya, taas oo Somalidu ku riyooto in Maalin Maalmaha ka mid ah ay dib u heli doonan, [1] Kenya waxay in mudo ah ku fakaraysay sidii ay u sameyn lahayd Mamul ay iyadu gacanteeda ku abuuratay islamarkaana ka dhisan Xaduud Beenadka labada Dal kuna shaqeeyo amarka iyo ka danbaynta Kenya Dolwda Somaliyana aysan lug ku  lahayn  waana fursad qaali ah oo ay heshay Mamulka Axmed Madoobe, [2] waxaa Axmed Madoobe u sahlayaa Dowlada Kenya in ay si Fudud u xalalsato dhulka NFD ee somalida sidoo kalana  dhul balaarsi kale u sameyso  si Kenya ay u hesho qaybo ka mid ah Biyaha Dalka  Somaliya oo hadaba intii uu Axmed Madoobe Mamulka Jubalnd hayay ay Dowlada Kenya Bilowday Iibsiga Badda iyo in ay muran galiso lahaanshaha Badda Somaliya iyo ku fidista qaybo ka mid ah Guadaha Dalka, [2] Kenya waxaa dhowr jeer gudaha u galay Ururka Alshabab kuwaas oo dhibaatooyin ka gaystay Maadaama uu yahay Axmed Madoobe Alshaba islamarkaana yaqaano Xol Xolada iyo Luuqyada ay maraan Saaxiibadiis ayey Kenya Fursad kale ugu tahay in ay Axmed Madoobe u isticmaasho Taatikada Dagaal ee ay kula jirto Ururka Xagjiriinta ah ee alshabab, muxuu soo kordhiyey mamulka axmed madoobe?

 

Axmed Madoobe oo kaashanayo Alshabab oo si hoose ula shaqeeyo iyo Kenya ayaa awood beeleed u isticmaalay Nidaamka Mamul ee Deeganada Jubalnd waxana uu si cad ugu Xad gudbay qaar ka mid ah beelaha dego Jubooyinka iyo Gedo waxaa uu abuuray Dagaal waxana uu gaystay Xasuuq  wuxuu laayey dad isugu jiro dhalinyaradii wadanka iyo iyo Odayaashii dhaqanka isagoo Adeegsanayo Ciidamo beeleedkiisa kenyana ay gadaal ka riixayso  wuxuuna bilaabay Caburin iyo amar adayg qofkii hadlo uu si hoose u dilayo islamarkaana xabsiga dhigayo qaar ka mid ah wax garadka iyo xubno ka  tirsan Maamulkiisa  waxaa gabi ahaan Cuno qabatayn uu saaray saxaafada mana jirto dhacdo si saxan looga tabin karo Magalada Kismaayo oo ah halka uu Masalaha dhigta Axmed Madoobe iyadoona Kismaayo ay noqotay meel laga tarxiilo dadka Somaliyed islamarkaana loo tarxiilo isla Somaliya wana dhaqan ku cusub umada Somaliyed Muujinaysana Dulaanka Gumeystaha Cusub ee Dalku wajahayo,sidoo kale  waxaa uu xaalufiyey dhirta iyadoo ay kismaayo noqotay hoyga ganacsiga dhuxusha ama hoyga dhoofinta dhuxasha taas oo keentay Nabaad guur ay samaysay dhir badan oo ka bixi jirtay  duurarka Jubooyinka iyo Gedo, sidaasi darteed waxaa jiro dad badan oo ku baraarugsan ficilada xun xun iyo u adeegista Danaha kenya ee Axmed Madoobe qaar ka mid ah aqoon yahanada iyo waxgaradka ka soo jeedo Jubalnd kuwaasi oo si cad u sheegey Mowqifka foosha xun iyo Hamiga waalan ee Axmed Madoobe. Bal firri Sawirada kore Madaxda Mamulgoboledyadu askari ma jiro gadaal ka taagan maxaa ku gaar ah axmed madoobe? Waa xiligii uu duurka galay islamarkaana u dirarayey helista dhaqaalaha takada kismayo kama uusan tanaasulin Mowqifkii urur diimeedka maxaa loo fahmi waayey?   Waa mid ka mid ah Sawirada Bahdilka sharaf dhaca looga dhigayo Madaxda ugu sareysa Qaranka Somaliya wali ma jirtaa cid is waydiisay? Waa Sawir muujinayo Xiriirka fog ee ka dhexeeyey sheekh Xsan Daahir Aways oo markii uu ku kaliyoobay Xisbul islam Halis ay galiyeen alshabab Xasan Dahir Aways wuu isa soo dhiibay waana Xabsi guri ka dib markii uu  ka  tanaasuli waayey Mowqifkiisii jihaadiga ahaa ee urur diimeedka. maxaa diiday in cadaalada la hor geeyo Axmed Madoobe? Waa Sawir laga qaaday xiligii uu ahaa Alshabab waxana uu idaacadaha u sheegey in alshabab ay sii wadi doonan jihaadka islamarkaana waxaa uu tilmaamay in dowlda somaliya tahay gaalo mudan in lagu jihaado halkee buu geeyey mowqifkiisii wali waa alshabab!     Xiligiisii alshabab iyo mid ka mid ah sawiradiisa