Animation

$10-Milyan ayay Somalia khasaartaa Maalin kasta Internet la’aanta awgeed

no responses
Sunday July 9, 2017 - 2:35 under Somali News by nairobi
mqdefault

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalin waliba ay dalka soo gaarto khasaare lacageed oo gaaraya $10 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dalku uu maalinkiiba khaasarayo $10 Milyan oo doollarka Mareykanka mudada uu Internetka maqanyahay.

Wasiirka ayaa sheegay in 15ka Maalmood ee uu sii marayo Maqnaanshaha Internetka ay ka dhakatay $130 Milyan oo doollarka Mareynaka oo khasaare ah haddii uu sii socdana ay halkeeda ka soconeyso khasaaraha.

Wasiirku ma sheegin sababta uu u maqan yahay Internetka iyo goorta la soo celinayo waxaase kaliya uu sheegay in Dowladda ay ku howllan tahay dib u soo celinta adeegga Internetka ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo maqan maalinkii 16aad maanta oo Axad ah.

Sharikadaha Bixiya Internwetka ayaa sheegaya in Markab Ganacsi uu jiiray Fiilada Internetka siisay bartamaha iyo Koofurta SOomaaliya taas oo marta Badweyna Hindiya.