Somali News

Daawo: Hooyo kamid ah dadka muqdisho kusoo barakacay oo xalay meel cidlo ah ku dhashay seddex canug oo mataano ah

Haweeney kamid ah dadka barakacayaasha ah ee soo gaaray magaalada caasimadda ee muqdisho ayaa habeenkii xalay waxa ay ku umashay kaam barkacayaal ah oo ku yaala dagmada kaxda ee gobolka banaadir.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo hooyo makka xuseen muqtaar ayaa waxay kamid aheyd dadkii ka soo barakacay gobollada dalka ee xoolihii ay lahaayeen ay abaarta ka dhameysay waxaana  ay umashay seddex canug oo mataano ah iyadoona labo canug ay ka saqiireenn.

Ilmaha mataanaha ah ee hooyadaan ay dhashay ayaa waxa ay kala yihiin laba wiil iyo halgabar waxaa saqiirtay labadii wiil gabadha ayaana hada nool.

Hooyada oo aad u il daraneynd ayaa waxaa hadda xaaladeeda caafimaad lagu dabiibaya mid kamid ah cisbitaalada magaalada muqdisho waxaana gacanta ku haaya maamulka gobolka banaadir.

Gabadha yar ee ka hartay seddexda mataanaha ah ayaa hada waxaa la sheegay in ay caafimaad qabto waxaana xanaaneyn kun haaya maamulka dagmada kaxda.

Hadaba qofkii doonaya in uu caawiyo hooyaddaan fadlan kala xiriir 0615-969007 Ama Kan Gudoomiyaha Degmada Kaxda 0615513074 wixii caawimaad ah fadlan halkaa kala xiriir.

Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Muqdisho Maxamed Ismaciil Cabdullaahi oo gacanta ku haya haweeneydaas ayaa ka warbixiyey xaaladeeda caafimaad.

Halkaan ka dhageyso codka guddoomiyaha

 

Related posts

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo ka soo gudbay xuduuda oo gaaray degmooyinka Dolow iyo Luuq

admin

Mareykanka oo digniin udiray Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom

admin

Dhagayso+ Sawiro:- Garowe Oo laga Xusay Maalinta Qaaxadda Aduunka

admin