10 Ruux oo Caruur ay u badanyihiin oo ku geeriyooday Deegaanka Daymasame oo Jowhar Hoostaga Kadib markii….

no responses
Wednesday February 14, 2018 - 2:02 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Marka wabiga uu guro biyo la’aantuna ay noqoto mid baahsan cudurada ka dhasha ayaa aad u bata waxaana ka mid ah cudurka shuban biyoodka.

Gobolka shabeellada dhexe waxaa uu kamid yahay meelaha hadda uu sida ba’an uga dilaacay cudurka shuban biyoodka marka uu wabiga shabeelle uu biyo la’aan noqday.

Ku dhawaad 10 ruux oo u badan caruur ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay deegaanka Daymasame oo hoostaga magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellada dhexe.

Biyo wasaqeysan oo ay dadku cabeen ayaa ugu wacan in uy cudurka baaho waxaana hadda la ildaran boqolaal ruux oo caruur u badan.

Deegaanka oo aan ka jirin wax cisbitaal aha ayaa xaaladda ka dhigtay mid qatar ah waxaana cisbitaalka ugu dhaw uu ku yaala magaalada jowhar oo qiyaastii 20-KM u jirta deegaanka Daymasame.

Facebook Comments